Masar oo ku caadaadinaysa Xamaas inay aqbasho qorshaha ee nabadda eeTrump.

0
59

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa Khamiistii sheegay in dalkiisu uu kala shaqaynayo Qatar iyo Turkiga sidii Xamaas looga dhaadhicin lahaa inay aqbasho qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku doonayo in lagu soo afjaro dagaalka labada sano ku dhow eka socda Gaza. Waxaa uu ka digay in colaadda ay sii kordhi doonto haddii ay diidaan kooxda xamaas.

Badar Abdelatty oo ka hadlayay machadka xiriirka caalamiga ah ee Faransiiska ee ku yaala magaalada Paris ayaa sheegay in ay iska caddahay in Xamaas ay tahay in ay hubka dhigto Israa’iilna aan cudur daar loo siin si ay u sii wado weerarada ay ku hayso Gaza.

Weerarada Israa’iil ayaa lagu dilay in ka badan 66,000 oo qof magaalada Gaza, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka Falastiin.

Aqalka Cad ayaa horraantii toddobaadkan soo saaray qorshe ka kooban 20 qodob oo ku baaqayay xabbad-joojin degdeg ah iyo in Xamaas dadka ay haystaan ay ku badashaan maxaabiista Falastiiniyiinta