Masar oo ku biiraysa dacwadda ICJ ee ka dhanka ah Israa’iil

0
115

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay ku biiri doonto dacwadda ay Koonfur Afrika gaysay maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ.
Dacwadda ayaa ah mid ku saleysan eedeyn loo jeedinaya Israa’iil.

Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Israa’iil ay ku xadgudubtay xeerarka caalamiga oo ay xasuuq shacab ka gaysanaysa Marinka Qaza.

Xukuumadda Qaahira ayaa hoosta ka xarriiqday in ay dacwaddaasi qayb ka noqon doonto si loola xisaabtamo Israa’iil oo ay cadaalad u helaan Falastiiniyiinta.