Masar oo beenisay in dadka reer Qaza dalkeeda loo rarayo.

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waaxda Warfaafinta Dawladda Masar (SIS) ayaa beenisay wararka sheegaya in Masar ay diyaar u tahay “in ay dib u dejin u sameyso nus milyan reer Qazaan ah” dhulkeeda.

Hadalka Masar ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhowr wargeys oo ay ku jiraan kuwa Israa’iil ay daabaceen wararkan.

Madaxweyne Sisi ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu diyaar u yahay in nus malyanFalastiiniyiin ah uu ka soo wareejiyo Qaza una wareejiyo dhulka Masar.

War qoraal ah oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Bariga Dhexe ee Masar, Qaahira “si buuxda ayay u beenisay eedaymaha ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo la xiriiray inay diyaar u yihiin inay si ku meel gaar ah u rarto nus milyan qof oo degan Qaza islamarkana la gaynayo magaalo loo cayimay oo ku taal waqooyiga Sinai, taasoo qayb ka ah dib u dhiska marinka Qaza.