Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mas ayaa isku duuduubay khadka korontada ee dul mara xadiidka tareenka, isagoo hakad geliyay socdaalkii tareenada ee Japan.
Jidka tareenka ayaa ah ee lagu arkaay maska ayaa ah kan ugu mashquulka badan dalka. Tareenka Shinkansen ee u socda Tokyo iyo Osaka ayaa la joojiyay subaxnimadii.
Kani wuxuu ahaa usbuuc khaas u ah Japan. Waxaa loo yaqaan usbuuca dahabiga ah, maadaama uu dalku u dabaal degayey afar ciidadood 7 maalmood gudahood.
Magaalada Osaka ayaa waxaa lagu qabtaa Bandhigga Adduunka ee ugu weyn iyadoo malaayiin ajaanib ah ay u safraan Japan si ay uga qaybgalaan. Tani waxay socon doontaa ilaa Oktoobar oo jidku mashquul yahay.