Mas halis badan oo loo haystay inuu dabar go’ay oo soo rogaal celiyay

0
293

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Qeybo kamid ah waqooyi galbeed dalka Bangaladesh gaar ahaan deegaanno dhaca buuraha Padma waxaa dhibaata ku haya mas halis ah oo la yiraaahdo Russell’s viper.

Maskan ayaa maalmihii ugu dambeeyay qaniinay dad badan xilli uu cabsi ku reebay halkaas.Russell’s Viper ayaa ah maska ugu halista badan Bangaladesh.

Dadka uu qaniinay maskan waxaa lagu arkay dhiig bax joogto ah, xinjirowga dhiigga, nabarro dhanka isha ah, qeybo kamid ah jirkooda oo qallalay iyo kilyaha oo shaqadooda gabay.

Waxaa loo maleeyay in maskan uu ka ciribtirmay Bagaladesh sanado ka hor balse waxaa jiray caddeymo muujinaya in 10 ilaa 12 sano uu soo ifbaxayay maskan.Waxaa Bangaladesh ka socdaa baaritaano la xiriira waxa maskan kusoo celiyay dalkaas.

Ahsan Mansoor oo bare ka ah qeybta xanaanada xoolaha ee jaamadacadda Chittagong ayaa cilmi baaris ku sameeyay soo ifbixidda maska Russell’s Viper ee Bangaladesh iyo halista uu ku hayo banii’aadanka

Daraasadda waxaa lagu wareystay 20 qof oo uu qaniinay maska Russell’s viper gudaha Bangaladesha intii u dhexeysay 2013 ilaa 2016, waxaana darasaadda lagu daabacay jornaal Asiatic Society ee kasoo baxa Bangaladesh.

Waxaana la ogaaday in maskan uu ku nool yahay 16 kamid ah degmooyinka Bangaladesh, sida ku xusan daraasadda maska wuxuu ku nool yahay waqooyiga iyo waqooy galbeed dalkaas.

Daraasadda waxay sidoo kale sheegtay in maskan uu ku nool yahay degmooyinka Rajshahi iyo Chapainawabganj.Khuburrada waxay ka cabsi qabaan in maskan halista ah lagu arko qeybo kamid ah adduunka kale.

Sababaha uu maskan ugu soo batay Bangaladesh waxaa kamid ah dhulka beereedka badan ee ku baahayo Dalkaaasi.