Mareykanka oo Sacuudiga la saxiixday heshiis hub oo gaaraya $142 bilyan.

0
49

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump iyo Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa kala saxiixday heshiis dhanka difaaca ah oo dhan $142bilyan oo doolar.

Mareykanka ayaa siin doona “qalab dagaal oo casri ah” Sacuudiga, kaasoo isna $20bn ku maalgelin doona sirdoonka macmalka ah ee Mareykanka, taasoo qeyb ka ah heshiiska maanta la saxiixay.

Heshiisyada u dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ee maanta lagu dhawaaqay waxaa ka mid ah “heshiiska iibka difaaca ee ugu weyn taariikhda”, ayuu lagu yiri bayan Aqalka Cad ka soo baxay.

Trump ayaa ku jira lugtii ugu horeysay ee booqasho diblomaasiyadeed oo afar maalmood ah oo uu ku tagayo Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka.