Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sii hayaha safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa Danjire Jacobson iyo Adam Schmidt oo ah ku xigeenka madaxa hay’adda USAID ee dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad iyo mas’uuliyiinta gobolka si ay u qiimeeyaan abaaraha ba’an ee jira iyo dadaallada gurmadka ah ee laga saameeyay 9 ka mid ah 11-ka aag ee gobolka Soomaalida.
Danjire Jacobson ayaa wacad ku maray in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada uu u fidiyo si loo yareeyo saameynta abaarta
Shir jaraa’id oo uu qabtay ka dib safarkii ay labada mas’uul ku tageen Magalada Addis Ababa oo ay qeyb ka ahaayeen wafdi ballaaran oo ka socday deegaanka Soomaalida, ayuu Danjire Jacobson ku bilaabay hadal uu ku sheegay xaaladda dhabta ah ee ka jirta dhulka Soomaalida taasoo noqon karta abaartii ugu darneyd ee qarnigan soo marta.
Isaga oo siinaya aragti ku aaddan dadaallada bini’aadantinimo ee Mareykanka ee hadda, danjiruhu wuxuu sheegay in 100 milyan oo Dollar loo qoondeeyay illaa hadda dhinacyada gargaarka cuntada tooska ah, nafaqeynta muhiimka ah, iyo caafimaadka iyo taageerada beeraha iyo xoolaha.
Ambassador Jacobson waxa uu carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay dhamaan shucuubta ku dhaqan dalka Ethiopia, si waafaqsan xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, isagoo u mahadcelinaya dowlad goboleedka wadashaqeynta kala dhaxeysa.