Mareykanka oo ka hadlay shaqaalihii gurmadka Falastiin ee la laayay.

0
43

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa weli socota cambaareynta ku aadan dilkii Qasa loogu geystay 15 Falastiiniyiin ah oo shaqaala gurmadka degdega ka shaqeynayay.

Shaqaalahan ayaa u shaqeynayay hay’adda caalamiga ah ee laanqeyrta cas.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa dhamaan dhinacyada Qasa ugu baaqay inay xushmeeyaan shuruucda caalamiga ah ka dib markii Israa’iil ay dishay shaqaalaha gurmadka ka tirsanaa.

Balse afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Tammy Bruce, ayaa intaa ku dartay in “wax walba oo Qasa ka dhaca ay u dhacayaan Xamaas dartood”.

Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay ,Tom Fletcher, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay dileen kooxda gargaarka xilli ay isku dayayeen in ay badbaadiyaan nolol.

Waxa uu sheegay in meydadkooda laga helay qabuuro ka ag dhowaa gawaarida gurmadka deg dega ah oo la bartilmaameedsaday.

Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamadeedu ay rasaas ku fureen gawaaridaas o ay ka shakiyeen.