Mareykanka oo joojiyay fiisooyinka dadka caafimaad ahaan ugasoo safra Gaza.

0
124

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso dhammaan fiisooyinka caafimaadka iyo kuwa dalxiiska ee dadka Gaza.

Joojinta Fiisooyinka ayaa qeyb ka ah dib u eegis buuxda oo dhamaystiran oo lagu sameynayo nidaamka iyo hababka loo isticmaalay in lagu soo saaro tiro yar oo fiisooyin caafimaad iyo kuwa bini’aadanimo maalmihii la soo dhaafay.

Go’aankaas waxaa cambaareeyy qaar ka mid ah kooxaha xuquuqda aadanaha ee Falastiin.

Hya’adda Gargaarka Caruurta ee Falastiin ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in go’aanku “uu saameyn xun oo aan lagasoo waaqsan karin ku yeelan doona awoodeena.

Mid ka mid ah shantii carruur ah ee ku nool Gaza ayey haysataa nafaqo darro iyadoo tirada dhibanayaashu ay sii kordhayaan maalin kasta, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.