Mareykanka oo hanjabaad u diray Israa’iil.

0
28

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mareykanka ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay diidday boqolkiiba 90% gargaar la gaarsiiyo waqooyiga Qasa bishii la soo dhaafay, isagoo ku hanjabay inuu ka jarayo hubka, ilaa uu isbedel ka dhaco.

Israa’ill dhankeeda waxay sheegtay inay walaaca Mareykanka ay si dhab ah u qaadaneyso isla markaana ay ‘tix-galinayso arrinta’.

Wariyeyaasha warbaahinta caalamiga oo BBC-du ka mid tahay, looma ogola inay si madax banaan warar uga soo tebiyaan Qasa.

Israa’iil ayaa kordhisay duullaanka ay ku qaadayso waqooyiga, waxaana walaac laga muujiyay in ay go’doomisay deegaankaas. Sidoo kale waxaa golaha ammaanka ka hadlay safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay – Danny Danon – waxa uu diiday sheegashada ah in Israa’iil ay gargaar bini’aadantinimo ku hayso xuduudka Gaza.