Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda militeriga ee Burkina Faso ayaa diiday in ay qaadato dadka laga soo celinayo Mareykanka maadama ay Washington joojisay in ay fiisooyin siiso baasaboorada dalkaas.
Wasiirka arrimaha dibadda Karamoko Jean-Marie Traoré ayaa su’aal geliyay go’aanka safaarada hadii uu yahay mid “lagu cadaadinayo” kaddib markii uu diiday soojeedinta Mareykanka ee ah in ay qaataan muhaajiriinta dal saddexaad.
Maamulka Trump ayaa dalalka Afrika ka dhigay meel la geeyo muhaajiriinta taas oo qeyb ka ah tallaabooyinka soogalootiga wax looga qabanayo.
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa khamiistii ka sheegay warbaahinta RTB ee dalkaas, “Tani ma hab nalagu cadaadinayaa? Waxay ahaataba… Burkina Faso waa meel sharaf leh, ee ma ahan meel dadka lagu soo daadiyo”.
Safaarada Mareykanka ee Ouagadougou ayaa ku qortay bogeeda in ay si kumeel gaar ah u hakisay fiisooyinka dalxiiska, waxbarashada iyo ganacsiga.
Dadka ku nool Burkina Faso hadii ay doonayaan in ay u safraan Mareykanka waa in ay aadaan dalka dariska la ah ee Togo