Mareykanka oo doonaya inuu gaashaanbuureysi la yeesho Qatar

0
167

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Madaxweynaha Mareykanka Joe Baiden ayaa sheegay in maamulkiisu qorsheynayo in dalka Qatar uu u aqoonsado mid kamid kamid ah xulafadiisa aan xubnaha ka ahayn gaashaanbuurta NATO.

In Mareykanku Qatar u aqoonsado mid kamid ah saaxiibbadiisa dhow waxaa ay suuragelinaysaa in labada dal uu dhex maro xariir ballaaran oo dhanka milatariga iyo ganacsiga ah.

Biden oo Aqlka Cad kula kulmay Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad in qorshaha kani muddo dheer la sugayay.

Amiirka ayaa dhankiisa kulankaa ku tilmaamay mid midho dhalay oo horumar u horseedi doona gobolka iyo dunidaba.

Labada hoggaamiye ayaa gaaray heshiis ay shirkadda duullimaadyada Qatar ku iibsanayso diyaarado noocoodu yahay Boeing 777 x kaas oo ku kacaya 20 bilyan oo dollar.

Qiimaha lagu iibsado saamiyada Boeing ayaa 5% sare u kacay kaddib markii lagu dhawaaqay heshiiskaas.