Mareykanka oo dalkiisa ka musaafuriyay dad ajnabi ah.

0
44

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mareykanka ayaa sheegay in uu masaafuriyay dad Ajnabi ah oo dambiilayaal ah, kuwaas oo la geeyay dalka Eswatini.

Shanta qof ayaa u kala dhashay dalalka Laos, Vietnam, Yemen, Cuba iyo Jamaica.

Qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ayay waaxda amniga gudaha ku sheegtay, in dadkaas loo dirayo dalka Koonfur Afrika ku yaalla, maadaama dalalkooda ay diideen in dib loogu soo celiyo.

Waxaa lagu helay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dil iyo kufsi loo geystay carruur.