Mareykanka iyo Ruushka oo sameeyay isweydaarsi maxaabiis oo taariikhi ah.

0
75

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maraykanka iyo Ruushka ayaa shalay is weydaarsaday in ka badan 20 maxbuus oo ay iska kala hayeen qaarkoodna laga sii daayay xabsiyo ku yaalla Yurub, taasoo ka dhigtay is-weydaarisigi ugu ballaarnaa oo ay labadan dal sameeyaan tan iyo burburki Midowgii Sofiyetka.

Heshiiskan caalamiga ahaa oo ay ku lug lahaayeen dhowr waddan, ayuu Ruushka kusoo daayay Evan Gershkovich, oo ah saxafi u shaqeeya wargeyska The Wall Street Journal iyo Paul Whelan oo Maraykan ah, iyo Vladimir Kara-Murza, oo ka mid ah dadka sida weyn u naqdiya Putin, balse heysta deganaashaha Mareykanka.

Dhammaan maxaabiista ay dhinacyada is weydaarteen ayaa waxaa fududeysay Dowladda Turkiga, waxana lagu kala wareegay dadkaasi gudaha magaalada Ankara.

Madaxwenaha Mareykanka Joe Biden ayaa is weydaarsiga maxaabiista ku sheegay mid ku yimid heshiis adag. Wuxuu kaloo tusaale awood badan ku sheegay sababta ay muhiim u tahay in saaxibbo lagu yeesho dunida.