Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa wadahadal ku yeelanaya magaalada Geneva iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in Ruushku uu duulaan ku qaado dalka Ukraine.
Khamiistii Mr Blinken ayaa uga digay Mosco cawaaqib xumida ka dhalan karta haddii ciidamadooda ay galaan xadka Ukraine.
Ruushka waxa ay diideen in ay qorsheynayaan weeraro ay ku qaadaan dalkaasi,hasa yeeshee waxaa la sheegay in xadka Ukraine ay joogaan 100,000 oo askari.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ku adkeystay in Ukraine aan marnaba loo ogolaan inay ku biirto Nato, isagoo sidoo kale doonayaa in xulafada difaaca ay ka tanaasulaan dhaqdhaqaaqyada milatari ee bariga Yurub.