Mareykanka iyo Brazil oo baaq u diray Dowladda Venezuela

0
48

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Brazil Luiz Inácio Lula da Silva, ayaa Talaadadii ugu baaqay dowladda Venezuela in ay soo saarto xogta codbixinta doorashadi madaxtinimada ee Axaddii dalkaasi ka dhacday oo faah-faahsan.

Guddiga doorashada ayaa aroornimadi hore ee Isniinti ku dhawaaqay, in Madaxweyne Nicolás Maduro uu ku guuleystay doorashada, laakin mucaaridka ayaa sheegay in murashaxooda Edmundo González, uu doorashada ka helay in ka badan laba jibbaar codadki la dhiibtay.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Biden iyo Lula, kaddib marki ay khadka telefoonka ku wada hadleen, ayay ku sheegeen in ay isla garteen in, si ay mudantahay in si deg deg ah oo daah-furan loo fasaxo xogta codadka la dhiibtay oo faah-faahsan.

Labada madaxweyne waxay kaloo sheegeen, in natiijada ay ka dhigantahay in dimoqraadiyadda cirifka ay ku jirto waqti aad xasaasi u ah.

Dhanka kale, waxaa sii xoogeysanaya cadaadiska madaxweyne Maduro uga imanaya gudaha, kaddib marki ay Talaadadi kumannaan taageerayaasha mucaaridka ah isugu soo baxeen, bannaanka xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Magaalada caasimadda ah ee Caracas.

Maduro ayaa ku adkeysanaya inuu ku guuleystay doorashada, halka mucaaridka ay sheegeen in ay si aqlabiyad leh uga badiyeen Muduro.