Maraykanka oo taageero u ballan qaaday howlgalka nabad sugidda ee Haiti

0
39
U.S. Secretary of State Antony Blinken delivers remarks at the 67th Session of the UN Commission on Narcotic Drugs at Vienna International Centre, in Vienna, Austria March 15, 2024. REUTERS/Evelyn Hockstein/Pool

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo gaaray dalka Haiti ayaa ballan qaaday in xukuumadda Washington ay taageero siin doonto howlgalka nabad sugidda ee Haiti.

Xilli ay Blinken iyo Ra’iisul Wasaaraha ku meel gaarka ah ee Haiti Garry Conille ku kulmeen magaalada Port-au-Prince ayuu sidoo kale sheegay in ay fidin doonaan gargaar baniaadannimo.

Waxaa uu warfidiyeennada u sheegay in waqti xaadirkan loo baahan yahay maalgelin iyo ciidamo dheeraad ah si loogu guulaysto hadafka nabad sugidda ee ah la tacaalidda kooxaha hubeysan ee rabshadaha gaysanaya.

Haiti ayay rabshado ka taagnaayeen tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkii 2021-kii xilligaasi oo la dilay madaxweynihii dalkaasi Jovenel Moise.

Safarka Blinken ee Haiti ayaa imaanaya iyadoo ay dhawaan dowladda waddankaasi sii ballaarisay xaaladdii degdegga ahayd ee jirtay si amarkan uu uga shaqeeyo guud ahaan dalkaasi.