Maraykanka oo sheegay in khatarta hubka bayoolojiga tahay mid sii kordhaysa

0
241

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Mareykanka ayaa u sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Hub ka dhigista isniintii in khatarta hubka bayoolojiga ee caalamiga ah ay tahay mid dhab ah, halis ah oo sii kordheysa maadaama dowladaha qaar ay leeyihiin barnaamijyo casri ah oo si wanaagsan loo aasaasay, halka kuwa aan dowliga ahayni ay helayaan karti.

Ku-xigeenka Xoghayaha Xakamaynta Hubka ee Maraykanka Bonnie Denise Jenkins ayaa ka sheegay furitaanka shirka afarta maalmood ah ee ka socda Geneva in heshiiska hubka noolaha uu yahay mid ka mid ah heshiisyada amniga caalamiga ah ee muhiimka ah ee ilaaliya khatarta hubka wax gumaada.

Jenkins ayaa sheegay in iyadoo ay jiraan dadaallo aan horay loo arag oo lagu xoojinayo amniga caafimaadka caalamiga ah, haddana dunidu waxay u baahan tahay inay wax ka qabato caqabadaha ugu dambeeyay.