
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxda laamaha ammaanka ee Maraykanka iyo UK ayaa si aan horay looga baran oo wadajir ah uga hadlay wax ay ku tilmaameen khatar dhinacyo badan leh oo ka imanaysa dalka Shiinaha.
Agaasimaha hay’adda FBI, Christopher Wray, ayaa sheegay in Shiinaha uu yahay khatarta ugu weyn ee labada waddan ay wajahayaan, isagoo ku eedeeyay xukuumadda Beijing inay waddo faro-gelin siyaasadeed, gaar ahaan doorashooyinkii dhawaan dhacay.
Christopher Wray ayaa shirka jaraa’id ee ay wadajirka London ugu qabteen asaga iyo Ken McCallum waxa uu ku sheegay in haddii Shiinaha uu xoog ku qabsado Taiwan, ay taasi “yeelan doonto saameyn dhaqaale oo aan horay looga arag caalamka.”
Taliyayaasha labada hay’adood ayaa uga digay ganacsatada iyo aqoonyahanka dalalkooda khatarta uga iman karta Shiinaha, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda Beijing inay “xaddo fekerka iyo tiknoolajiyadda”.