Manchester United Oo TOBAN Ciyaartoy Oo Kooxdeeda Ku Xarashaysa £150 Milyan Oo Gini

0
135

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa suuqa dhigtay toban ciyaartoy oo ay doonayso inay iibiso xagaagan, waxaana ku jiro xiddigo waaweyn oo qaarkood ku sugan yihiin Old Trafford kuwo klaena amaaho kaga maqan yihiin.

Erik ten Hag ayaa mar horeba warka u caddeeyey qaar ka mid ah ciyaartoydiisa oo uu u sheegay in aanay ku jirin qorshihiisa, halka kuwo kalena uu kala  dooran doono oo waqti dambe go’aaan laga gaadhi doono.

Goolhaye David de Gea ayaa hubanti la’aan ku jira oo ay Manchester United kala dooran doontaa isaga iyo Dean Henderson oo amaah ugu maqan Nottingham Forest, waxaanaty u badan tahay in Red Devils ay soo gabogabayn doonto 12 sannadood oo uu Henderson ka mid ahaa kooxdeeda oo aan xasuus badan loo haynin.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa 26 jirkan ku garaacayay De Gea oo uu mar ka dhigtay goolhayihiisa koowaad, laakiin hadda waxay Manchester United isku dayaysaa inay qandaraaska u kordhiso goolhayaha reer Spain, taas oo saaxadda ka saari doonto Dean Henderson.

Ciyaartoyda kale ee ay kooxdu iibinayso ayaa waxa ku jira Aaron Wan-Bissaka oo booska difaaca midig ay ku loollamayaan Diogo Dalot, waxaana la sheegay in Erik ten Hag uu doonayo inuu sii haysto Dalot oo uu kusoo ladho ciyaartoy kale oo ku fiican difaaca iyo weerar-geynta kubadda.

Harry Maguire oo Manhester United ay kasoo bixisay £80 milyan oo Gini sannadkii 2019, ayaa isagnaa lagu daray liiska ciyaartoyda la xaraashayo, iyadoo waliba aanu dhoweyn qandaraaskiisa Old Trafford.

Eric Bailly, Brandon Williams iyo Alex Telles oo amaah ku maqan ayaa iyagana ay kooxdu ka takhalusi doontaa, halka Donny van de Beek oo ay dhaawacyo ragaadiyeen uu isaguna albaabka kaa bixi doono.

Labada khadka dhexe ee Scott McTominay iyo Fred ayaa sidoo kale uu midkood bixi doonaa, waxaana sii raaci doona labada weeraryahan ee Anthony Martial iyo Anthony Elanga oo lagu daray liiska xiddigaha la iibinayo.

Manchester United ayaa waxay ciyaartoydan uga baahan tahay £150 milyan oo Gini oo ay doonayso inay ku gasho suuqa iibka ciyaartoyda oo ay kusoo iibsato xiddigo kale.