Manchester United Oo Looga Digay Iney Jackson Iibsato

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay si dhab ah u eegayso saxiixa weeraryahanka Chelsea, Nicolas Jackson, si ay ugu xoojiso weerarka tababare Ruben Amorim xilli uu dhisayo koox cusub.

Jackson oo 24 jir ah, ayaa dhaliyay 24 gool isla markaana sameeyay 10 caawin 65 kulan oo Premier League ah tan iyo markii uu £32m kaga yimid Villarreal laba sano ka hor.

Si kastaba, Chelsea ayaa diyaar u ah inay dhagaysato dalabyada ku aaddan xiddiga reer Senegal, maadaama uu hoos uga dhacay liiska weeraryahanada kooxda, kadib markii ay lasoo wareegeen Liam Delap iyo Joao Pedro.

Laakiin khabiirrada qaar ayaa ka digay in Jackson uu noqon karo saxiix khatar ah oo aan u shaqayn Manchester United. Ray Parlour, oo horey uga tirsanaa Arsenal, ayaa sheegay in qiimaha sare ee weeraryahanada suuqa ka jira uu yahay caqabad weyn, isagoo is-weydiiyay haddii Jackson uu yahay ciyaaryahan heer sare ah oo dhab ah.

Dhinaca kale, Alan Brazil oo ka tirsan warbaahinta UK ayaa sheegay in Jackson uu yahay ciyaaryahan aan fursadaha si fiican u dhamaystirin:

“Ma dhamaystiri karo… wuxuu u baahan yahay fursado badan si uu u dhaliyo gool,” ayuu yiri Brazil.

Man United horey ayay ula saxiixatay Matheus Cunha, waxaana ay sidoo kale baacsanayaan Bryan Mbeumo — Jackson ayaana u muuqda mid ka mid ah xulashooyinka suurtagalka ah ee weerarka loogu talagalay.