(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay liiska xiddigaha ay suuqa ka doonayso ku darsatay ciyaaryahan ka tirsan naadiga Wolves.
Shabakadda ciyaaraha ee 90min ayaa warinaysa in Man Utd ay idnaha ku hayso inay xagaagan la soo saxiixato ciyaaryahanka Kooxda Wolves ee Ruben Neves, kaddib markii Solskjaer uu bartilmaameed ka dhigtay xiddigan.
Kooxda ka arrimisa garoonka Molineux ayaa ku faraxsan inay iibiso laacibkan kaddib afar sano oo uu joogay Naadiga, iyadoo kooxaha sida Manchester City iyo Liverpool ay xiiseynayeen intii lagu guda jiray waqtigaas.
Red Devils ayaa haysata meel kale oo ay u baahan tahay inay shaxdeeda ka xoojiso, waxaana ka mid ah daafaca iyo weerarka, laakiin fursad walba oo ay ku soo qaadan karto Neves waa mid ay doonayaan madaxda Kooxda.
Neves ayaa si weyn looga tixgaliyaa garoonka Old Trafford halka wakiilkiisa Jorge Mendes, uu aad ugu dhow yahay oo uu la shaqeysto Maamulka Man United.