Manchester United oo la kulmi doonta ciqaab adag oo kaga iman doonta FIFA, UEFA iyo Premier League

0
109

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la kulmi doonta ciqaab adag oo kaga iman doonta FIFA, UEFA iyo Premier League haddii ay la saxeexato goolhayaha reer Cameroon ee Andre Onana oo ay Inter Milan xaqiijisay in Red Devils ay ku wargelisay inay doonayso, isla markaana ay ka sugayaan dalab rasmi ah.

Manchester United oo fasaxday goolhayaheedii David De Gea oo iyaga oo la gaadhay heshiis cusub haddana kaga baxay, sidoo kalena diiday inay hirgeliyaan qodob siinayay inay 12 bilood oo kale sii haysan karaan, ayaa waxay la kulmi doontaa ganaax culus haddii ay la saxeexato goolhayae Onana.

Red Devils ayaa u muuqata in ay xaaladdu ku adag tahay oo ay ka shallaynayso sababtii ay iskaga sii deysay goolhaye David De Gea, waxaanay taageereyaashu ka baqayaan in uu ku dhaco nabsiga goolhayaha reer Spain ee 12ka sannadood sida heerka sare ah ugu soo shaqaynayay, isla markaana xilli-ciyaareedkii tegay ku guuleystay abaal-marinta goolhayaha ugu fiican horyaalka Premier League.

Inter Milan ayaa wali sugaysa dalabka rasmiga ah ee Manchester United ee Andre Onana oo qiimihiisu lagu sheegay €70 milyan oo Euro, kaas oo uu tababare Erik ten Hag doonayo in loo keeno, waxaana sababta uu ku doortay ay tahay in uu ka qayb qaadanayo ciyaarta oo uu kubadda ka dhisayo difaaca.

Sida uu qoray wargeyska Mirror, Manchester United looma ogolaan doono inay iibsato goolhayahan reer Cameroon oo ay waliba ka bixiso €70 milyan oo Euro, iyadoo sidoo kalena shaacinta oo kali ahi u hadhsan tahay heshiiska ay Red Devils kula soo wareegayso Mason Mount.

Warka ayaa intaa ku daray, in Manchester United ay jabinayso sharciga dhaqaalaha haddii ay €70  milyan oo Euro ka bixiso goolhayahan, iyaga oo horena lacag ka badan €80 milyan oo Euro ugula heshiiyey Chelsea oo ay Mount kasoo qaadanayaan.

Sida kaliya ee ay Manchester United ku heli karto Onana ee ay kaga badbaadi karto ciqaab kaga timaaddo FIFA, UEFA iyo Premier League ee ay ugu sii sugnaan karto xayndaabka sharciga dhaqaalaha, ayaa waxay tahay inay marka hore iibiso qaar ka mid ah ciyaartoydeeda oo ay kasoo xarayso lacag ku dhow inta ay ku kharash garaynayaan Onana.

Manchester United ayaa la sheegay in sidoo kale ay indhaha ku hayso Justin Bijlow oo Feyenoord u ciyaara iyo Kevin Trapp oo Eintracht Franfurt ah oo qiime ahaan uga jaban Onana.