Manchester United Oo Ku Dhawaaqday In Antony Uu Kusoo Laabtay Kooxda Kaddib Baadhitaan Ay Ku Sameeyeen Booliska Brazil & UK.

0
76

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in liiska ciyaartoydeeda uu dib ugu soo laabtay garabka weerarka Brazil ee Antony, kaddib markii ay baadhitaanno ku sameeyeen booliska waddamada UK iyo Brazil usbuucyadii ugu dambeeyey.

Antony oo loo haysto inuu tacaddiyo u geysta gabadh ay isku cindanaayeen oo ay kala tageen, ayaa maanta dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa oo uu dibedda ka joogay tan iyo horraantii bishan oo ahayd waqtigii eedaymihiisu soo baxeen.

23 jirkan ayaa tegay waddankiisa Brazil si uu booliska iyo dacwad oogeyaasha ula kulmo oo uu uga jawaabo dembiyada lagu haysto, kaddibna waxa uu Isniintii kusoo noqday UK oo uu xalay muddo shan saacadood oo xidhiidh ah ku sugnaa xarunta booliska ee Greater Manchester Police.

Subaxnimadii saaka ayaa lagu war helay Antony oo ku sugan xarunta tababarka kooxdiisa ee Carrington, waxyar kaddibna waxa ay Manchester United soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in uu laacibkani dib ugu soo noqday tababarka iyo kooxdaba oo uu ciyaari doono kulamada soo socda, iyadoo dhinaca kalena uu la shaqaynayo baadheyaasha kiiskiisa.

United waxay ku doodday in aanay difaacaynin Antony, sidoo kalena aanay dabada ka riixayn in dembi lagu helo, hase yeeshee ay ogolaatay in uu laacibkani uu sii wato tababarka iyo inuu u ciyaaro kooxda.

Antony ayay ugu dambaysay inuu u ciyaaro Manchester United kulankii guul-darrada ee Arsenal ay 3-1 kaga adkaatay 3dii September.