Manchester United oo ku Biirtay tartanto loogu Jiro Saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton & Hove Albion Alexis Mac Allister.

0
177

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay kula tartanto Arsenal saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe eeBrighton & Hove Albion Alexis Mac Allister .

23-sano jirku waxa uu ka mid ahaa xiddigihii ku soo baxay koobka adduunka ee 2022 oo ay la ciyaarayeen kooxda heysata horyaalka Argentina , isagoo ku soo bilowday lix ka mid ah todobadii kulan ee ay ku ciyaareen Qatar.

Mac Allister ayaa noqday ciyaaryahankii abid ugu horeeyay ee Brighton ku soo bilawda finalka koobka aduunka, wuxuuna caawin ka sameeyay Angel di Maria ka hor inta ayna Argentina ugu danbayn rigoorayaal ku garaacin France si ay ugu guulaystaan ​​koobkoodii ugu horeeyay ee aduunka tan iyo 1986 kii.

 

Kahor inta uusan u duulin Qatar, Mac Allister waxa uu si xoogan ku bilowday ololaha 2022-23 ee Brighton, isagoo dhaliyay shan gool 14 kulan oo Premier League ah islamarkaana ka caawiyay Seagulls inay soo gasho kaalinta toddobaad ee kala sareynta .