Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa goordhow oo maanta ah ku dhawaaqday inay isaga baxday Ururka Kooxaha Yurub ee European Club Association (ECA), kaasoo ay ka hayd xubin firfircoon.
Dhinaca kale Ed Woodward oo ka mid maamulka sare ee Kooxda Manchester United ayaa iska casila jagadii uu ka hayey xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA.
Waxa uu Ed Woodward xubin firfircoon ka ahaa guddiga istiraatiijiyadda ee UEFA, laakiin jagadaasi iminka waa uu iska casilay.
Tallaabada ay Man United uga baxday Uruurka kooxaha Yurub ayaa ka dambeeyey kaddib markii ay ka mid noqdeen 12 kooxood oo sameysanaya horyaalka cusub ee European Super League, kaasoo ka go’aya tartammada Yurub ee haatan jira.
Lixda kooxood ee ugu waa weyn Premier League ee kala ah; Liverpool, Man United, Arsenal, Chelsea, Man City & Tottenham, saddexda kooxood ee ugu waa weyn Spain ee Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid iyo saddexda ugu waa weyn Talyaaniga ee Juventus, Inter iyo AC Milan ayaa ku dhawaaqay inay yihiin aasasayaasha tartanka cusub ee European Super League.
Waxa ay 12-kaan kooxood rajaynayaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan u qabtaan tartankan 20 kooxood oo waa weyn oo ka qeyb qaadanaya sanad walba si loo badiyo daawashada tartankan iyo lacagta ka soo xaroorta.
Man United ayaa haatan u muuqata inaysan goordhow ka laaban doonin go’aankeeda ay wax uga aas-aasayso tartanka European Super League, iyagoo isaga baxay ururka ay ku mideysan yihiin kooxaha Yurub ee ECA, xilli Ed Woodward uu iska casilay shaqadii uu u hayay UEFA.
Dhinaca kale waxaa la warinayaa in Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ay iyagana isaga baxeen ururka ECA, iyadoo weli aysan ku dhawaaqin inay ururkaas ka baxeen kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Manchester City.