Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul-darradii labaad oo xidhiidh ah loo xambaariyey, waxaanay ogolaatay in ay muran gasho kaalintoodii afraad ee ay kaga jireen horyaalka Premier League, kaddib markii ay West Ham saddexda dhibcood kaga tirsatay London Stadium.
Gool madi ah oo qaybtii hore uu West Ham United u dhaliyey Benrahma ayaa West Ham United siiyey guul ay aad ugu baahnaayeen oo ay kaga soo fogaadeen khadka cas ee ay illaa bilowgii xilli-ciyaareedka kulaalayeen.
Kubbad uu Antonio ka boobay Luke Shaw ayaa waxa uu usii dhiibay Benrahma oo isguna goolka kaga toogtay masaafo 20 yard ah balse goolhaye David de Gea oo gacanta la tiigsaday ayaa kaliya awooday inuu u leexiyo dhinaca birta oo ay meel ku dhow shabaqa ka haleeshay.
Goolkan oo ku yimid qalad difaac iyo liidashada goolhaye David de Gea oo u muuqanayay in aanu diyaar u ahayn kubbado noocaas ah in ay ku imanayaan ayaa guul-darradii labaad oo xidhiidh ah usoo jiiday Manchester United oo toddobadkii horena ay Brighton ka adkaatay.
Manchester United ayaa fursado heshay qaybtii hore, waxaase ka khasaariyey Bruno Fernandes, Antony iyo Marcus Rashford oo dhamaantood u dhowaaday shabaqa.
Hammers ayaa ay difaaceedu feejignaan badan ku jireen ayaa ku doodday in rikoodhe loo dhigo markii ay kubaddu gacanta Victor Lindelof balse garsooraha ayaan waxba ka soo qaadin dooddooda.
United ayaa biraha garaacday oo uu nasiibku ka leexiyey inay shabaqa gasho kubbado ay la tiigsadeen goolka, gaar ahaan Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford oo labadii qayboodba khatarta ugu badan ku haya difaaca West Ham.
David de GFea ayaa la baxsaday kooxdiisa oo badbaadiyey kubbad uu Soucek meel aan fogeyn kaga toogtay, taas oo Bowen oo ku celiyey uu isaguna dhinaca kaga dhuftay shabaqa. Goolhayaha Spain ayaa qaladkii uu hore u sameeyey ku saxay badbaadadan.
Anthony Martial oo beddel kusoo galay ayaa laba fursadood ka khasaariyey Manchester United waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, isaga oo kubbad uu kula baxay uu goolhaye Lukasz Fabianski badbaadiyey, ka hor intii aanu madaxa la waayin koorne goolka hortiisa uu ka helay.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday West Ham oo soo gashay kaalinta 15aad ee miiska kala-sarraynta Premier League oo ay ku haysato 37 dhibcood, halka Manchester United ay kaalinta afraad fadhio oo ay 63 dhibcood haysato waxaanay hal dhibic ka sarreeyaan Liverpool oo 62 dhibcood leh.