Manchester United Oo Guul Cidhiidh Ah Ka Gaadhay Aston Villa Iyo Lacagtii Sucuudiga Oo Ka Shaqaysay Horyaalka Premier League

0
115

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul cidhiidhi ah ka gaadhay Aston Villa oo marti ugu ahayd Old Trafford, waxaanay sii adkaysatay fursaddeeda usoo bixidda tartnaka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe.

Gool madi ah oo uu qaybtii hore dhaliyey Bruno Fernandes ayaa Manchester United siiyey saddex dhibcood oo muhiim ah oo ay ugu sii raad-joogto Newcastle United oo ay ku loollamayaan kaalinta saddexaad oo iyaduna guul soo laabasho ah ka gaadhay kooxda sagxadda hoose ee horyaalka Premier League fadhida ee Southampton.

Red Devils oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa ku qanacday inay saddexda dhibcood oo kaliya qaadatayo, halka Aston Villa uu halgan la galay goolhaye David De Gea oo badbaadiyey Fursado badan.

United amn

Manchester United ayaa ku doodday in rikoodhe la siiyo qaybta hore markii uu Sabitzer kubbad uu ka keenay dhinaca bidix ay gacanta kaga dhacday Young, laakiin garsooruhu uma aanu joojin maadaama aanay badheedh ahayn oo uu sii jeeday.

Casemiro ayaa indhihiisa furay oo farsameeyey kubbad cajiib ahayd oo uu madax u saaray Marcus Rashford, waxaase iska soo celiyey difaaca Aston Villa, balse Bruno Fernandez ayaa ku celiyey oo shabaqa ku hubsaday.

Watkins ayaa uu nasiibku diiday ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, markii uu fursaddii ugu fiicnayd ee Aston Villa ee qaybta hore uu Moreno usoo sameeyey kubbad uu Buendia u gudbiyey oo uu isaguna goolka usoo hordhigay Watkins.

Laacibnka reer England ayaa waxa uu kubadda ku qabtay xerada ganaaxa waxaanba uu si toos ah ugu beegay goolhaye David de Gea oo badbaadiyey.

Dhamaadka ciyaarta oo ay ka hadhsan yihiin siddeed daqiiqadood ayay Aston Villa soo qaadday weerar xooggan, waxaana kubbad uu Luiz kasoo horqaatay Sabitzer uu ku toogtay goolka, balse waxa isku dhigay difaaca United. Watkins ayaa kubadda oo xerada ganaaxa dhaxdeeda taalla ku qabtay darbad xooggan oo uu dhaafiyey goolhaye De Gea, hase yeeshee Lindelof ayaa madax ku dhuftay oo dallacay.

Kubadda ayaa kusii dhacday birta sare, waxaanay u badayday koorne, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Manchester United.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester United ay haysato 63 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka dambaysaa Newcastle oo kaalinta saddexaad ku haysata 65 dhibcood.

Newcastle oo uu Sucuudigu maalgelin ku sameeyey ayaa waxay ka daba timid Southampton oo gool kala hormartay, waxaanay ugu beddeshay saddex gool oo laba ka mid ah uu dhaliyey Callum Wilson, halka midka kalena uu isku qabtay Walcott.