Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)- Manchester United ayaa gaartay finalka Europa League kadib markii ay si wadareed 7-1 uga badiyeen Athletic Bilbao.
Reds waxay 3-0 ku garaaceen Bilbao kulankii lugta hore waxayna 4-1 ku badiyeen lugtii labaad oo ka dhacday Old Trafford.
United ayaa hadda wajihi doonta Tottenham finalka oo ka dhici doona Arbacada 21-ka May magaalada Bilbao.
Waxay koobkan ku guuleysteen sanadkii 2017 iyadoo Jose Mourinho uu ahaa tababaraha kooxda.