Manchester United Oo €90 Milyan Dul-dhigtay Xiddig Gacanta Usii Gelayey Real Madrid

0
159

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay dalab ka badan €90 milyan oo Euro dul-dhigtay dheemanka reer Brazil ee Estevao Willian oo lagu naanayso ‘Messinho, si ay ugu garaacdo Real Madrid oo la sheegay inay tallaabooyin u jirto laacibkan.

Messinho oo ay da’diisu tahay 16 jir ayaa intii uu socday Koobkii Adduunka FIFA U-17 ee lagu qabtay waddanka Indonesia bilihii November iyo December, waxa uu sheegay inuu doonayo inuu ka ciyaaro qaaradda Yurub, isaga oo dalkiisana ku hoggaamiyey inay yimaaddaan wareegga siddeedda, halkaas oo uu ugu dhaliyey saddex gool iyo saddex uu caawiyey shan kulan gudahood.

Intii ka dambaysay, Messinho ayaa waxa uu usoo dallacay kooxda koowaad ee Palmeiras oo uu sameeyey caawinta goolkii guusha ee ay ka dhaliyeen Sao Berardo ee ay ku noqdeen Campeonarto Paulista Serie A1, isaga oo isugeyn u saftay lix kulan.

Manchester United ayaa la sheegay inay ku qanacday bandhig ciyaareedka uu samaynayo da’yarkan ay dunida oo dhan indhaha ku hayso oo la sheegay in ay kooxdiisu ku xidhayso naadiyada raadinaya lacag dhan €90 milyan oo Gini.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid oo hore ula saxeexatay Endrick oo ay Palmeiras u wada ciyaaraan Messinho isla markaana haysata labada da’yar ee reer Brazil ee Vinicius Junior iyo Rodrygo ayaa la sheegay inay si adag ugula dagaallamayso Man United saxeexa laacibkan.