Manchester United Oo Dib Usoo Ceshanaysa Mason Greenwood Oo Ay Ku Sifeeyeen ‘Xiddiga Ugu Wanaagsan’

0
140

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dib usoo ceshanaysa xiddiga ay amaahda iskaga dirtay ee Mason Greenwood oo muddo sannad iyo dheeraad ah bannaanka ka joogay Old Trafford markii lagu eedeeyey in uu tacaddiyo u geystay gabadh ay saaxiibbo ahaayeen.

Jamie Jackson oo ka mid ah warityeyaasha ciayaraha wargeyska The Guardian, ayaa waxa uu sheegay, in Manchester United ay go’aansatay in ay dib usoo ceshato Mason Greenwood marka uu dhamaado sannadka amaahda ah ee uu ugu maqan yahay kooxda reer Spain ee Getafe.

22 jirkan oo taageereyaashu ay ku qasbeen Manchester United in ay kooxdeeda ka dirto, iyaga oo ugu marmarsiiyoonaya kiiska ay maxkamaddu laashay ee ah tacaddiyada ay gabadhu kusoo eedaysay, ayaa waxa hadda ay tababareyaasha kooxdu doonayaan in ay dib ugu yeedhaan.

Jackson ayaa xaqiijiyey, in tababareyaasha kooxda qaarkood ay u haystaan Mason Greenwood in uu yahay ‘ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida’ ee booskiisa, isla markaana booska ay ka jabeen ee garabka midig uu si fiican ugu buuxin doono, halkaas oo Antony uu marar badan kaga maqnaaday dacwado gabdho kusoo oogeen iyo dhaawacyo, taas oo keentay in Bruno Fernandes laga ciyaarsiiyo.

Mason Greenwood ayaa dib u helay qaab-ciyaareedkiisa inkasta oo sannad iyo badh uu ka maqnaa garoomada, waxaana Getafe uu u dhaliyey hal gool iyo mid kale oo uu caawiye uga noqday.