Manchester United Iyo Liverpool Oo La Ganaaxay

0
84

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa ganaax ku riday kooxaha Manchester United iyo Liverpool oo lagu eedeeyey anshax xumo iyo inay u dhaqmi waayeen si habboon kulamadii Fulham iyo Manchester City ee horyaalka Premier League.

Laba war-saxaafadeed oo kala duwan ayuu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Ingiriisku, waxaana lagu xaqiijiyey laba ganaax oo kala duwan oo la saaray Manchester United iyo Liverpool.

Red Devils ayaa waxa lagu eedeeyey in ciyaartoydeedu ay ku xoomeen garsoore Chris Kavanagh oo ay isku xeereen ciyaartii wareegga siddeedda FA Cup ee Fulham, kaddib markii uu Willian gacanta ku qabtay kubadda, xilligaas oo ay garsooraha ku cadaadinayeen inuu rikoodhe siiyo.

Chris Kavanagh oo markii hore koorne u dhigay Manchester United ayaa waxa go’aankiisa beddeshay VAR oo soo bandhigtay in uu WIllian gacan badheedh ah kubadda kaga joojiyey goolka, sidaas daraadeed ayaana United lagu siiyey rikoodhe halka laacibkaa reer Brazil ciyaarta laga saaray, waxyar kaddibna waxa la raaciyey Aleksandr Mitrovic iyo tababare Marco Silva.

Xidhiidhka FA-ga ayaa waxa uu sheegay in Manchester United lagu xukumay inay bixiso £65,000 Gini, kaddib markii ay daqiiqaddii 71aad ciyaartoydeedu ku urureen garsooraha

Dhinaca kale, xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa waxa uu ganaaxay Liverpool oo ciyaartoydeedu ay sameeyeen gadood daqiiqaddii 34aad ee kulankii ay Manchester City 4-1 ku xasuuqday Sabtidii, kaddib markii uu garsooruhu casaan ka daayey Rodri oo qalad ku galay Cody Gakpo oo haystay kaadh hore.

Fabinho ayaa kusoo orday garsooraha, sidoo kalena Jordan Henderson, Diogo Jota iyo Virgil van Dijk ayaa kusoo xoomay, waxaana la arkayay iyadoo uu kabtan Henderson isku dayayo inuu ciyaartoyda kooxdiisa ka qabto garsoore Simo Hooper.

War-saxaafadeedka ganaaxa Liverpool ayaa lagu yidhi: “Liverpool waxay ku fashilantay inay xaqiijiso in ciyaartoydeedu u dhaqmaan si habboon oo anshax leh.”

Liverpool waxay haysataa illaa April 12 si ay uga  jawaabto ganaaxa oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin waxa uu noqonayo, inkasta oo la filayo inuu noqon doono lacag