Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa dhulka jiid-jiidday Liverpool oo ay ku burburisay 4-1, kulan ka dhacay Etihad Stadium oo waqti hore uu Jurgen Klopp dabbaal-degay balse uu qosolka ku dambeeyey Pep Guardiola.
Afar gool oo ay qaybsadeen Julian Alvarez, Kevin de Bruyne, Ilkay Gundogan iyo Jack Grealish ayay Manchester City ku muquunisay Liverpool oo nasiib ku lahayd in aan goolal intaas ka badan laga badin.
Toban daqiiqadood ayay ku qaadatay Manchester City inay keento goolka barbarraha, waxaana kubbad uu dhinaca bidix kasoo dhiibay Jack Grealish goolka ku leexiyey Julian Alvarez, iyadoo qaybta hore ee ciyaartuna kusoo dhamaatay barbarro 1-1 ah.
Waqtigii nasashada ayuu Pep Guardiola siiyey ciyaartoydiisa halka ay liigayso Liverpool ee ay sida fudud uga jabin karayaan, taas oo keentay in ay saddex gool oo daran-doorri ah la yimaaddan qaybtii labaad.
Daqiiqaddii labaad ee qaybta dambe ayay Manchester City gool degdeg ah ku niyad-jabisay Liverpool, iyadoo kubbad uu dhinaca midig kasoo jabiyey uu goolka hortiisa ka helay Kevin de Bruyne oo weydaariyey Alisson, waxaanay ciyaartu noqotay 2-1.
Ma jirin bandhig Liverpool ah iyo qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay intuba, waxaana kaliya lagu garanayay wajiyada ciyaartoyda iyo garomadaooda sababtoo ah astaan kasta oo ciyaareed oo lagu yaqaanay ayaa meesha ka baxday.
Kabtan Ilkay Gundogan ayaa gool saddexaad u saxeexay Manchester City daqiiqaddii 53aad isaga oo helay kubbad ay difaaca Liverpool iska saari kari waayeen oo goolka hortiisa ku meeraysatay, taas oo uu lugta midig si fiican ula helay, kuna toogtay birta agteeda oo dhinaca midig ee goolhaye Alisson ah.
Jack Grealish oo ahaa xiddiga burburiyey difaaca Liverpool ayaa ugu dambayntii helay gool uu u qalmayay daqiiqaddii 74aad, iyadoo kubaddaasna uu soo farsameeyey Kevin de Bruyne oo sameeyey caawintiisii 99aad horyaalka Premier Leaguel.
Kevin de Bruyne ayaa noqday ciyaartoyga shanaad ee ugu caawinta badan horyaalka Premier League, waxaana ka horreeya afar ciyaartoy oo kaliya.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 4-1 ay guushu ku raacday Manchester City oo dib usoo noolaysay hammigeedii ahaa inay soo qabato Arsenal oo hadda shan dhibcood ka horreysa, inkasta oo Gunners ay mar dhow ciyaari doonto.