Manchester City oo soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Erling Haaland… +SAWIRRO

0
283

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa saxaafadda u soo bandhigtay maanta saxiixeeda cusub ee reer Norway Erling Haaland

Bogga rasmiga ah kooxda Manchester City ee Twitter-ka ayaa lagu daabacay Sawirada weeraryahanka reer Norway, waxaana la soo raaciyay qoraal gaaban ee ah “Soo dawoow Haaland”

Kooxda Ingariiska ayaana ku dhawaaqday in Erling Haaland uu saxiixay qandaraas ku saabsan inuu sii joogo qalcadda Etihad ilaa 2027.

Manchester City ayaa ku dhawaaqday, bishii hore, inay ku wargelisay Borussia Dortmund inay bixineyso lacagta lagu burburin karo qandaraaska xiddiga reer Norway, taasoo dhan 75 million euros.

Warbixino dhowr ah ayaa sheegaya in xiddiga reer Norway Erling Haaland uu 20 million euros sanadkii ka heli doono Manchester City.

//img.kooora.com/?i=Mkandeel2/124/60.jpg

//img.kooora.com/?i=Mkandeel2/124/58.jpg

//img.kooora.com/?i=Mkandeel2/124/61.jpg