Manchester City oo Juventus iyo AC Milan kula tartamaysa saxiixa laacib ka ciyaara horyaalka Serie A

0
250

Kooxaha Juventus iyo AC Milan ayaa si la mid ah Manchester City aad u doonaya saxiixa lacibkan khadka dhexe ee Manuel Locatelli.

Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in Manchester City ay bartilmaameedkeeda ugu sarreeya ka dhigatay laacibka khadka dhexe ee Sassuolo, Manuel Locatelli.

23-sano jirkaan ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee ugu sarreeya horyaalka Serie A, Juventus iyo kooxdiisii hore ee AC Milan ayaana sidoo kale xiiseynaya inay u dhaqaaqaan soo xero-gelintiisa.

Locatelli ayaa la filayaa inuu ku kaco ugu yaraan adduun dhan 30 milyan oo gini oo u dhiganta 34 milyan oo euro ama 41milyan oo dollar.