Manchester City oo garoonkeeda Etihad guul weyn kaga gaartay kooxda Southampton… +SAWIRRO

0
189

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul weyn kaga gaartay kooxda Southampton, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 15-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda khadka dhexe ee Kevin De Bruyne.

25 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda Southampton ayaa la timid goolka barbardhaca kaddib markii uu gool u badelay rigoore loo dhigay xiddigooda James Ward-Prowse.

Laakiin daqiiqadii 40-aad Riyad Mahrez ayaa markale hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester City, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1.

45 daqiiqo Manchester City ayaa dhalisay goolkeeda saddexaad ee ciyaarta, waxaana 3-1 ka dhigay Ilkay Gundogan.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad Riyad Mahrez oo caawin ka helay saaxiibkiis Phil Foden ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 4-1.

56 daqiiqo kooxda Southampton ayaa markale dhalisay gool, kaddib markii uu xiddigooda Che Adams dheesha ka dhigay 4-2.

Balse markale daqiiqadii 59-aad Manchester City oo sii wadata bandhigeeda goolasha ee kulankan ayaa la timid gool, waxaana 5-1 ka dhigay Kevin De Bruyne, kaddib markii uu caawin ka helay Kevin Phil Foden.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 5-2 ay kaga adkaatay Manchester City kooxda Southampton oo ku soo booqatay garoonka Etihad, City ayaa sii dheereysatay hoggaaminteeda miiska kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna kooxda kaalinta labaad ee Man United ka sareysaa 14 dhibcood nadiif ah.

SAWIRRO: