Man United Oo Xaalad Naxdin Ah Ku Jirta & Halbawlaha Dhaawaca Looga Baqayo.

0
74

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Jamaahiirta Manchester United ayaa wadnaha farta ku haya iyadoo halbawlaha kala dhaqaajiya kooxdeeda ee Bruno Fernandes uu dhaawac ku maqnaan karo kulanka Khamiista ee Tottenham ay booqanayaan.

Manchester ayaa Axadii gaadhay Finalka FA Cup kaddib markii ay rigoorayaal ku dhaaftay Brighton waxayna kulanka kama dambaysta ah bisha June la ballansan yihiin Manchester City.

Bruno ayaa u muuqday mid dhaawac fududi ku gaadhay qaybtii hore ee kulankaas Brighton balse awooday inuu ciyaarta sii wato.

Fernandes ayaa garoonka baaqi kusii ahaaday ilaa daqiiqadii 101-aad ee kulanka kahor inta uusan tababare Erik Ten Hag bedel ku samayn.

Haatan Ana Pinho oo ah xaaska Bruno Fernandes ayaa barteeda Instagram gaar ahaan qaybta Story-ga soo dhigtay sawir naxdin ku ah jamaahiirta Manchester oo muujinaya Fernandes oo ay ag yaalaan biro uu ku boodayay iyo qalabka loogu talo galay ilaalada cagta dhaawacu gaadhay.

Man United ayaa kulan aad muhiim ugu ah hammigeeda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe Khamiista la ballansan kooxda booska shanaad ee Tottenham oo ay haatan lix dhibcood ka sarreeyaan iyadoo laba kulan baaqi u yihiin.

Dhaawacyada ayaa ku badnaa Manchester kulamadii ugu dambeeyay waxaana kamid ah xiddigaha ay waayeen lamaanihii daafaca dhexe ee Licha Martinez iyo Rapha Varane.

Image