Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane u sheegtay qaabka kaliya ee uu saxeexiisa suurogalka ugu noqon karo gudaha suuqa xagaagan.
Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, Manchester ayaa doonaysa in Kane warqada codsiga bixitaankiisa u dhiibo Tottenham oo isagu cadaadiyo heshiiska lagu iibinayo maadaama ay kooxdu ku adkaysanayso inuusan iib ahayn.
Man United ayaa waji gabax kala kulantay isku daygeeda saxeexa Harry oo ay 80 Milyan oo pound ku doonayso balse kooxdiisu 100 Milyan oo pound ku qiimaynayso.
Guddoomiyaha Tottenham ee Daniel Levy ayaan doonayn inuu hantidiisa ugu weyn si sahlan uga iibiyo koox uu xifaaltan kala dhaxeeyo balse 29 sano jirkaas oo heshiiskiisa kooxda hal sano ka hadhay ayaa isagu bixitaan doonaya.
Haddii ay Man United awoodi waydo saxeexa Kane waxa la filayaa inay uga weecato weeraryahanka Atalanta ee Rasmus Hojlund walow la sheegay in kooxda Talyaaniga ah qudheedu 100 Milyan oo euro ku doonayso iibka 20 sano jirkaas.