Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sida uu sheegay suxufiga caanka ah ee Fabrizio Romano, Manchester United ayaa mar kale la xiriirtay dhammaan dhinacyada ku lug yeelan kara heshiis uu Viktor Gyökeres kaga tagayo kooxda Sporting Lisbon oo uu ugu biirayo Old Trafford.
United ayaa heshay dhiirrigelin cusub oo ku saabsan tartanka ay ugu jiraan saxiixa weeraryahanka reer Sweden, maadaama Arsenal ay diiradda saartay sidii ay u heli lahaayeen Benjamin Sesko.
Si kastaba ha ahaatee, Manchester United weli diyaar uma aha inay dhaqaaq cad ka sameeyaan Gyökeres. Waxay si buuxda u fahansan yihiin in k qeyb gal la’aanta tartanka Champions League ay caqabad ku noqon karto heshiiska.
Intaa waxaa dheer, United waxay u baahan doontaa inay iibiso ciyaartoy si ay u awoodo kharashka ku baxaya saxiixa Gyökeres. Ciyaartoyda ay suuragalka tahay in la iibiyo waxaa ka mid ah: Alejandro Garnacho, Marcus Rashford iyo Jadon Sancho.