Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay bartilmaameedsanayso inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester City Wilfried Ndidi.
Xiddiga reer Nigeria ayaa la sheegay in qiimo Jaban lagu heli doono xagaagan ka dib markii Foxes ka hadhya premier league.
Mail Sport ayaa fahansan in Ndidi uu qandaraaskiisa ku daray qodob lagu burburin karo qandaraaska markii uu qalinka ku duugay seddex sano oo dheeri ah ka dib markii uu ka caawiyay inay u soo dalacaan premier league xilli cigaareedkii hore.
United ayaa xiiseyneysa saxiixa Ndidi, waxaana laga yaabaa inay bixiso lacagta 9 milyan ee lagu bur-burin Karo heshiiskiisa.
Lacagta ayaa dhaqan gashay kadib markii Leicester City ka hadhay premier league.