Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga Manchester United Jaap Stam ayaa shaaca ka qaaday sida saxda ah ee uu kubad uga difaacan lahaa weeraryahanka Manchester City Erling Haaland.
22 jirkaan ayaa xagaagii ku biiray City isagoo ka soo wareegay kooxda Borussia Dortmund, wuxuuna dhaliyay 11 gool todobadii kulan ee Premier League ee uu ciyaaray oo ay ku jirto labo seddexleey.
Waxa uu dhaliyay seddex gool laba kulan uu saftay Champions League, iyadoo Man City aan laga badin dhammaan tartamada xilli ciyaareedkan.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Norway ayaa wajahaya Raphael Varane iyo Lisandro Martinez, iyadoo United ay badisay afar kulan oo isku xigta horyaalka Premier League.
Stam, oo ku guuleystay seddex horyaal muddo seddex sano ah oo uu ku sugnaa Old Trafford, islamarkaana ah mid ka mid ah daafacyada ugu wanaagsan jiilkiisa, ayaa si sax ah u qeexay waxa uu sameyn lahaa galabnimada Axadda.
Laacibkii hore ee Netherlands oo sharaxaya sida kubad looga difaac karo Haaland ayaa yiri:
“Waxaad u baahan tahay inaad kubad dagaal ah la ciyaarto. Marka Man City ay kubada heysato, waa inaad cadaadis saarto oo aad ku qasabto inay ku ciyaaraan qeybtooda garoonka, waxaad u baahan tahay inaad hubiso in qof had iyo jeer uu aad ugu dhegan yahay Haaland oo uu ciyaarta ka saaro. Weliba waa inay Haaland ku dhegaan marka ay City kubada heysato iyadoo loo diidayo inuu kubada taabto.
“Waxaad sidoo kale u baahan tahay daafac kale oo ku daboola haddii kale marka aad fool ka fool isaga hor timaadaan oo gadaashaada ay banaaan tahay boqolkiiba 90 waa hubaal inuu gool kaa dhalinayo. Sidaasi darteed waxaad u baahan tahay inaad kubad dagaal ah la ciyaarto isaga.”
Haaland had iyo jeer ku guuleysta inuu istaago booska saxda waqtiga saxda ah inkastoo uusan kubada wax badan taabanin.
Waa hub cusub oo aysan City haysan xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay, markaasoo gooldhaliyahooda ugu sarreeya uu ahaa Kevin De Bruyne oo dhaliyay 15 gool.
Haaland wuxuu ku socotaa wadadii uu ku burburin lahaa goolasha KDB, iyadoo Stam uu aaminsan yahay in kooxuhu ay bilaabayaan inay dejiyaan qorshayaal cusub oo ay ku wajahaanHaaland.