Man United oo si dhab ah ugu dhaqaaqeysa inay ku soo saxiixato xiddig ka tirsan Real Madrid

0
176

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Saxaafada Spain ayaa shaaca ka qaaday war layaab lah ee ku saabsan xiisaha Manchester United ay u qabto mid ka mid ah xiddigaha Real Madrid si ay u hesho suuqa xagaagan.

Manchester United ayaa xilli ciyaareedkan ku bilaabatay Premier League si liidata, iyadoo laba guuldaro kala kulantay kulankii koowaad iyo labaad, taasoo ka dhigtay in dhanka hoose ay ka hoggaamiso dhanka kala sarreynta horyaalka.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Spain xaalada murugada leh ee Manchester United ayaa ku kaliftay madaxda kooxda inay isku dayaan inay keenaan heshiisyo cusub oo badan si loo soo celiyo sharafta kooxda.

Manchester United ayaa lala xiriirinayaa Alvaro Morata, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Raúl de Tomás si ay u xoojiyaan weerarka, waxaana u sii dheer xiddiga reer Holland Frenkie de Jong si loogu xoojiyo khadka dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, wargayska ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah saraakiisha Manchester United ay u safreen Spain, si ay wada xaajood ula galaan Real Madrid kaasoo ku aadas saxiixa xiddiga reer Brazil ee Casemiro.

Wargayska ayaa tilmaamay in Real Madrid ay door bidayso in ay Casemiro ku sii hayso safkeeda sababta oo ah waxa uu wali si joogto ah uga hoos ciyaarayaa tababare Carlo Ancelotti.