Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay Leicester City oo ay ku booqatay garoonka King Power, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester United.
Daqiiqadii 23-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Jadon Sancho, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Marcus Rashford.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 oo ay Manchester United kaga soo adkaatay kooxda Leicester City oo ay ku booqatay garoonka King Power, Red Devils ayaa soo fariisatay kaalinta 5-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League kaddib markii ay heshay 9 dhibcood.