Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mid ka mid ah sheekooyinka ugu waa weyn ee suuqa kala iibsiga xagaagan ilaa hadda ayaa ah in Cristiano Ronaldo uu doonayo inuu ka tago Manchester United, wax ka yar hal sanno kaddib markii uu dib ugu soo laabtay kooxda, laakiin waxay u muuqataa in Red Devils aysan ku ogolaan doonin inuu kooxda kabaxo.
Weeraryahanka reer Portugal ayaa doonaya inuu ciyaaro tartanka xiisaha badan ee Champions League-ga xilli ciyaareedka soo socda, inkastoo United ay kamid ahayn kooxaha ka qayb kagalaayo UCL-ga haddana waxay go’aansadeen inay ku qanciyaan inuu sii joogo Naadigga
37-sano jirkaan ayaan weli soo xaadirin tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, iyadoo sheekaddu ay tahay in la siiyay fasax waqti dheer ah arrimo qoys darteed. Tababaraha cusub Erik Ten Hag ayaa sheegay inuu filayo inuu ku jiri doono kooxdiisa xilli ciyaareedkaan asigoo hadlayayna waxuu yiri:
“Annaga nalama joogo, waxaa sabab u ah arrimo shakhsi ah,” ayuu yiri Ten Hag oo ku sugan Thailand subaxnimadii horre ee saakay.
“Cristiano Ronaldo qorshaheyga ayuu kamid ahaan doonaa xilli ciyaareedkan, waxaana rajeynayaa inaan la shaqeeyo.
“Waan la hadlay isaga kahor intaanay soo bixin arrimahaani shaqsiga ah, waxaana run ahaantii la yeeshay hadal wanaagsan.”
Manchester United Ayaa doonayso in ay sii haysato Ronaldo si ay U’xoojiso kooxdeeda isla markaana ay kordhiso tayada ku hareeraysan Old Trafford.
The Times ayaa sheegtay in Ronaldo uu si tartiib tartiib ah ugu guuleysanayo shaqada ay qabanayaan tababaraha cusub iyo agaasimayaasha John Murtough iyo Richard Arnold.
Kooxda ayaa lumisay Paul Pogba xagaagan laakiin waxa ay ku kalsoon yihiin in ay la soo wareegi karaan Lisandro Martinez waxaana ay sare u qaadeen baadi goobka ay ugu jiraan Frenkie de Jong.