Sida laga soo xigtay wargeyska, “The Athletic”, Manchester United ayaa dooneysa inay cusbooneysiiso qandaraaska Paul Pogba muddo 5 sano ah, iyada oo taasi badelkeedu uu ku qaadan doono mushahar toddobaadle ah oo gaaraya 400,000 pounds.
Qandaraaska Pogba wuxuu dhacayaa xagaaga 2022, wuxuuna hadda qaataa £290,000 toddobaadkii, Manchester United ayaana rajeyneysa inay qandaraaska u cusbooneysiiso kahor dhammaadka suuqa kala iibsiga.
Illaa iyo hadda, xiddiga reer France ma uusan ogolaan dalabka kaga yimid Red Devils, kaasoo ka dhigaya inuu noqdo ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kooxda, isaga oo ka sara mari doono goolhaye David de Gea oo toddobaadkii mushaar ahaan kooxda kaga qaata 375,000.
Qandaraaska cusub ee Pogba ayaa sidoo kale ka dhigi doona mid uu kaga sara mari doono, labadii saxiix ay Manchester United sameysay suuqan xagaaga ee Raphaël Varane iyo Jadon Sancho, kuwaasoo qaata £340 iyo £300,000 toddobaadkiiba.