Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa weli rajo ka qabta inay la soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Paris Saint-Germain ee Xavi Simons, inkastoo lagu soo waramayo inuu mar hore heshiis la gaaray Bayern Munich.
21 jirkaan ayaa si xoogan isha ugu haysa madaxda Man United marka loo eego qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee Euro 2024, iyo xilli ciyaareed cajiib ah oo uu amaah ku qaatay RB Leipzig.
Sida laga soo xigtay L’Equipe, tababaraha United Erik ten Hag ayaa loo maleynayaa inuu aad ula dhacsan yahay da’yarka PSG, ku badnaantiisa booska weerarka dhexe, ama garbaha, waxay ka dhigeysaa mid la jecel yahay inuu kusoo kordhiyo kooxda.
PSG ayaa loo malaynayaa inay doonayso inay ganacsi la samayso United, si kastaba ha ahaatee, iyadoo labada kooxood la rumeysan yahay inay ka shaqeynayaan heshiis 60 milyan oo ginni ah oo u dhiganta (€70 milyan) oo ay ku doonayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Uruguay, Manuel Ugarte.
23 jirkaan ayaa ugu soo dhaqaaqay Paris heshiis 42 milyan ginni ah oo uu kaga soo biiray Sporting Lisbon xagaagii hore.
United ayaa haatan xoogeda iskugu gerynesa saxiixa Xavi Simons.