Man United oo guul weyn ka soo heshay Real Sociedad xilli labo jeer uu shabaqa gaaray Bruno Fernandes

0
238

(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Manchester United ayaa guul muhiim ah ka soo heshay kooxda oo ay ku booqatay Real Sociedad Allianz Stadium, xilli uu xilli Bruno Fernandes uu labo jeer gaaray shabaqa, kulankii lugta hore wareega 32-da ee tartanka UEFA Europa League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-4.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester United.

Daqiiqadii 27-aad kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Bruno Fernandes, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Marcus Rashford.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 58-aad Manchester United ayaa la timid goolkeeda labaad ee dheesha, waxaana 0-2 ka dhigay Bruno Fernandes oo caawin ay kaga timid Daniel James.

65 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Marcus Rashford oo caawin qurux badan ka helay saaxiibkiis Fred ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Manchester United, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-3.

Daqiiqadii 90-aad Daniel James ayaa si toos ah u niyadjabiyay kooxda Real Sociedad, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-4 ay ku hoggaamineysay Manchester United.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaaatay 0-4 oo ay Manchester United kaga soo adkaatay Real Sociedad oo ay ku booqatay garoonka Allianz, kulankii lugta hore wareega 32-da ee tartanka UEFA Europa League.

SAWIRRO: