Man United oo garoonkeeda Old Trafford saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda West Bromwich Albion

0
427

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Manchester United iyo West Bromwich Albion.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad kooxda Manchester United ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay Bruno Fernandes, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay United-ka.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay kaga adkaatay Manchester United, kooxda West Bromwich Albion oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image