Man United oo garoonkeeda Old Trafford guul saxariir ah kaga gaartay kooxda Omonia Nicosia

0
179

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Man United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul saxariir ah kaga gaartay kooxda Omonia Nicosia, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada afaraad ee heerka guruubyada UEFA Europa League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Manchester United iyo Omonia Nicosia ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90 + 3-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Mctominay oo badelay ku yimid.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay Manchester United kaga adkaatay kooxda Omonia Nicosia oo soo booqatay, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada afaraad ee heerka guruubyada UEFA Europa League.