Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa weli ku jirta raadinta weeraryahan cusub inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo kooxda horey u qarashgareysay in ka badan €125 milyan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Red Devils ayaa durba la soo wareegtay Matheus Cunha oo ka yimid Wolves, halka Isniintii uu kooxda ku soo biiray Bryan Mbeumo oo laga keenay Brentford. Labadan xiddig ayaa dhaliyay 35 gool oo isku darka ah intii lagu jiray xilli ciyaareedkii hore ee Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanadii dhexe ee kooxda, Rasmus Hojlund iyo Joshua Zirkzee, ayaa la tacaalayay qaab ciyaareed liita, taasoo keentay in tababaraha kooxda, Ruben Amorim, uu sii wado raadinta xiddigo cusub oo weerarka ka ciyaara.
Iyadoo wax ka yar hal bil ay ka harsan tahay xiritaanka suuqa kala iibsiga, Manchester United ayaa la sheegay inay diiwaangelisay ugu yaraan toddobo weeraryahan oo bartilmaameed u ah.
Magacyada lala xidhiidhinayo kooxda waxaa ka mid ah Benjamin Sesko (RB Leipzig), Nicolas Jackson (Chelsea), Ollie Watkins (Aston Villa), Dominic Calvert-Lewin (Everton) iyo Aleksandar Mitrovic (Al Hilal), iyadoo midkood la filayo in uu si rasmi ah ugu biiro kooxda inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.